Hordhac: Taariikh
Maanta oo ku beegan 21, November, 2024 waa maalinta loo asteeyay Macalinka Soomaaliyeed, waana sanad guuraddii 52-aad ee ka soo wareegatay markii si waadax ah dowladdu ay u aqoonsatay 1972-dii muhiimadda macallimiinta ee ay u leeyihiin geedi socodka dhisidda qaran-ka Soomaaliyeed. Maalintan waxay xasuusin u tahay doorka aasaasiga ah ee macallimiintu ku leeyihiin dhisidda mustaqbalka ardayda iyo bulshada guud ahaanteed.
Haddaba, Waa kuma Barre ama Macalin?
- Hogaamiye aqooneed: macalinku waxa uu ardayda ka caawiya inay helaan faham qoto dheer oo ku saabsan aqoonta muhiimka ah iyo xirfadaha nolosha.
- Dhiirigelinta Ardayda: Macallinku wuxuu ardayda siiya aqoon iyo xirfado muhiim ah, isagoo kor u qaadaya kalsoonidooda iyo awooddooda fekerka si ay u xalliyaan caqabadaha nolosha.
- Tusaale wanaagsan: Macallimiintu waa kuwa tusaalooyiin wanaagsan u ah ardayda, iyaga oo barraya qiyamka sida ixtiraamka, adkaysiga, iyo mas’uuliyadda, kuwaas oo ardaydu ka caawineysa noloshooda shaqsiyadeed iyo mid tacliimeed.
- Ciribtiraha Jahliga: Macalimiintu waxay ka shaqeeyaan ciribtirka jahliga iyaga oo gaarsiinayaa bulshada iyo ardaydaba aqoon iyo tacliin.
Maxay u baahan yihiin Macalimiinta Soomaaliyeed?
Sanadihii la soo dhaafay Macalimiinta Soomaaliyeed waxa ay ku shaqeeynayeen duruufo kala duwan, hadday ahaan laheyd mid amni, mid dhaqaale iyo mid bulshaba, haddaba waxaa laga maarmaan ah in loo muujiyo taageero muhiiim ah si ay wax ku ool ah u gutaan waajibaadkooda. haddaba, waxyaabaha ay u baahan yihiin macalinmiinta waxaa ka mid ah:-
- Hormarinta Xirfadda Macalinku: Macalinku in la siiyo tababar taasoo kor u qaadeysa aqoontiisa.
- Waxbarasho Joogto ah: Macalinku waa in la siiyaa tababar joogta ah taasoo kor u qaadeysa aqoontiisa.
- Fursadaha Cilmi Baarista: Macalimiintu waa in fursad loo siiyaa sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen cilmi baarista, taasoo u sahlaysa inay sare u qaado Hab dhigista Macalinka (Teaching Method).
- Mushaar: Macalinku waa inuu helaa mushaar iyo gunno ku filan.
- Caafimaad iyo Daryeel: Macalinku waa inuu helaa daryeel caafimaad oo joogta ah.
- Xushmad iyo Maamuus: Macalinku waa inuu ardayda & Bulshaduba ka helaa Maamuus.
- In la bedelo aragtida qaldan ay bulshada ka heysato Macalinka.
- In la ilaaliyo karaamada & sharafka Macalinka lana siiyo kalsooni.
- in Maamulka Iskuulka & waalidiintuba ay ku garab siiyaan Macalinka gudashada waajibaadkiisa shaqo.
Gabagabada & Gunnaanud-ka
Maalinta Macalinka Soomaaliyeed waa xus qoto dheer oo lagu xusayo dedaalka iyo adkeysiga macallimiinta. Waxay sidoo kale xasuusin u tahay doorka aasaasiga ah ee macallimiintu ku leeyihiin dhisidda mustaqbalka, dhiirigelinta ardayda iyo hormarinta bulshada. Sanadahan la soo dhaafay, Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada ee DFS ayaa sii wadda dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada, sidoo kale taageerid loogu muujinayo macallimiinta si ay Macalimiintu ugu qeyb-qaataan dhisida iyo kobaca ubadka soomaaliyeed iyo dalkuba.
Maalintan gaarka ah ee Milgaha iyo Maamuuska leh, aan xusno sidoo kale aan u hambalyeyno Macalimiinta Soomaaliyeed sidoo kale aynu ku dhiirigelino shaqada ballaaran ee ay Ubadka Soomaaliyeed iyo dalkuba ay u hayaan.
Milko & Maamuus Macalin baa leh !
Macalin Baan ahay !